Khasaare kaka duwan ayaa ka dhashay weerar dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado nooca kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay Ukraine, kuwaas oo beegsaday magaalo kutaal waddanka Ruushka.
Duqaynta oo ahayd mid xooggan ayaa lasoo wariyay inay ka dhacday mandiqadda Bilgorad ee dalka Ruushka, sida uu xaqiijiyay masuul ka tirsan dowladda Ruushka oo warbaahinta u waramay.
Guddoomiyaha mandiqadda Bilgorad ugu magacaaban Moosko ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in diyaaradaha dagaal ee Ukraine ay beegsadeen xaafado ka tirsan deegaanka, halkaasna ay ku dhaawacmeen ugu yaraan siddeed xubnood oo ay ku jirtay gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 11 sano jir, kuwaas oo markii dambe loo qaaday xarumaha caafimaadka.
Sidoo kale duqaymaha Ukraine, waxaa lasoo wariyay inay ka dhasheen khasaare hantiyeed oo baaxad leh, tobaneeyo guryo iyo gaadiid ay leeyihiin dad rayid ah ayaa lasoo wariyay in ay ku burbureen duqaymaha, sida ay muujinayaan sawirro lagu faafiyay baraha bulshadu ku wada xiriirto.