Kadib markii uu dhammaaday loolankii loogu jiray ninka noqonaya madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxa suuqyada Muqdisho qarqiyay malaayiin dolar oo lagu soo furay suuqyada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qiimihii dolarka dhulka galiyay isla markaana waxa khalkhal uu ku yimid ganacsigii magaalada.
Lacagta lagu laaluushay xildhibaanada iyo dadka ololaha la waday Musharixiinta ayaa waxa lagu qiyaasay inay ka badnayd boqol Malyan oo dolar. ($100,000,000) sababtoo ah musharixiintu aadbay u badnaayeen, Xildhibaanaduna aadbay u badnaayeen, qiimaha ugu yar ee xildhibaanada la kala siisanayay waxa lagu sheegay konton kun. ($50,000) waxa kale oo dhacday in xildhibaanada qaar ay dhowr musharax lacag ka qaateen.
In lacag la kala qaatay oo malaaayiin dolar la kala qaatay ma ahayn wax suuq madow ah ee waxay ahayd wax hotelada waawayn lagu bixinayay, gudidii loo xilsaarayna way caddeeyeen arrintaas, waxa kale oo lacagtaasi inbadan oo ka mid ah laga soo daldalay maamul goboleedyada sida puntland iyo konfurgalbeed oo madaxwaynayaashooodu rag gaar ah wateen, sidoo kale lacagta waxa bixinayay dowlado iyo hay’ado dan gaar ah ka leh Soomaaliya.
Tusaale ahaan Madaxwaynaha la doortay ee Farmaajo oo bulshada Soomaaliyeed aaminsantahay inaanu laaluus badan bixin, warbixinada hadda la helay waxay sheegayaan in dowladda Qadar ay lacag badan ku bixisay sidii uu usoo bixi lahaa Farmaajo, Sidoo kale Sirdoonka Maraykanka oo Farmaajo ay aad isugu fiicanyihiin ayaa isaguna lacag fiican bixiyay isagoo soo adeegsaday dowladda Qadar.
Hadaba dolarka xadigaas tiradiisu dhantahay intiisa badan wuxuu soo galay suuqyada magaalada Muqdisho oo an xamili karin dolar intaasi leeg, waxana hal mar dhulka tagay qiimihii dolarka, dolarka qiimihiisu inuu dhaco dhan marka laga fiiriyo way fiicantahay oo waa lacag Maraykan leeyahay, hase ahaatee dolarku sannadihii ugu dambeeyay wuxuu noqday lacagta koowaad ee Soomaalida, qof kasta biilkiisu wuxuu ugu jiray mobilka iyadoo dolar ah ama ha u yaraato ama ha u badnaato, waxa dhacday in dolarkiina dhulka galay qiimihii alaabtuna halkiisii ahaado, ganacsatada qaar waxay sameeyeen alaabtii dolarka ay ku gadayeen in ay qaaliyeeyaan.
Waxa kale oo is waydiin leh Duufaantan dolarka ah haddii ay dhammaato, qiimaha dolarku sidiisa ma sii ahaan doonaa mise halkiisii ayuu ku laaban doonaa, waa su’aasha la is waydiinayo, waana sababta ganacsatadu alaabta u rakhiisin wayday.
Waxan maqli jiray magaalada Xarardheere markii burcad badeedku ka talinayeen waxay ka nolol qaalisnayd magaalooyinka kale oo dhan, sababtoo ah waxay isticmaalayeen malaayiin lacag ah oo aysan iyagu shaqaysan, waxana u fududayd in lacag kasta oo loo sheego alaabta ay ku gataan, taasi mid la mid ah ayaa maanta Muqdisho ka jirta oo xildhibaanadii waxay heleen lacag aysan shaqaysan, markaasaa waxay nolosha ku qaaliyeynayaan dadkii masaakiinta ahaa ee Muqdisho joogay.
Waxa kale oo xusid mudan in lacagta xadigaas leeg haddii lagu taakulayn lahaa dadka abaaraysan in ay ku filnaan lahayd raashinkooda iyo biyahooda dhowr bilood inta guga laga gaarayo, hase yeeshee waxa ceeb ah in waxaasoo lacag ah xaaraan lagu bixiyay, hadana tuugsi loo aadayo wadamada caalamka oo la leeyahay gaajo iyo abaarbaa na haysa.
Qoraha maqaalka
Sheekh Axmed-Aalasheekh