Dooni ay saarnaayeen ugu yaraan 45 qof oo qaxoonti ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dagtay xeebaha dalka Yemen, gaar ahaan gobolka Taciz, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay mid ka mid ah hayadaha uururka qaramada mudoobay u qaabilan qaxootiga.
Hay’adda urur gaaleedka qaramada midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga ee Yeman, ayaa intaa ku dartay in degitaanka doonida ay keentay dabeylo xooggan iyo culeys xad dhaaf ah, waxay intaas kusii dartay in doonida ay badbaadiyeen ugu yaraan 4 qof oo kaliya.
Bishii June ee ina dhaaftay ayay ahayd markii ugu yaraan 49 tahriibayaal ah ay dhinteen halka 140 kalena la waayay kaddib dooni ay la socdeen oo ka soo ambabaxay Soomaaliya ay kula dagtay xeebaha Yemen.