Wararka ka imaanaya dalka Kenya waxey sheegayaan in saaka si toos ah doorasho gaaleedka kaga bilaabatay dalkaasi.
Dad aad u fara badan ayaa isugu yimid goobaha cod bixinta ee magaalooyinka ugu waaweyn dalka Kenya,iyadoona goobahaasi lagu soo daadiyay ciidamo badan oo Nasaarada Kenya ah.
Cabsi xoogan ayeey muujinayaan dowlada iyo dadka Nasaarada Kenya kuwaasi oo ka cabsi qabo in inta doorashadu socoto la kulmaan weeraro kala duwan.
Shakhsiyaatka xilka madaxweynaha kula tartamayo Uhuru Kenyatta oo hadda ah madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in cabsi xoogan ka qabaan in Uhuru ku shubto codadka doorashada.
Hadii Uhuru Kenyatta guuleysto ama laga guuleysto waxaa suura gal ah in gudaha dalka ka dhacaan iska hor imaadyo iyo rabshado u dhaxeeya Nasaarada Kenya kuwaasi oo ay ku daadanayaan dhiig fara badan.
Magaalada Mandheere iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Kenya sida Jaziirada Lamu ayaa laga soo sheegayaa in doorashada loo adeegsanayo qalimaan iyo bugaag taasi oo fududeyn karto in Uhuru Kenyatta ku shubto doorashada waxeyna taasi horseedi doontaa iska hor imaad xoogan oo ka dhex qarxa taageerayaasha Uhuru iyo kuwa mucaaradka.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Doorashada.
Calamada.com