Madaxweyne ku xigeenka dowlada Nasaarada Burundi gaalka lagu magacaaba Gaston Sindimwo oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay la baxeysa ciidamada Burundi ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah Konfurta iyo Bartamaha dalka Somali.
Madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa u sababeeyay go’aanka ay qaateen ee ah in ciidamadooda kala baxaan Somaliya ay tahay mushaar la’aan inka badan 12 bilood heysata ciidamada Nasaarada Burundi ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah dalka Somaliya.
Go’aanka ay qaadatay dowlada Burundi ayaa muujinaya sida ay ugu fashilantay duulaankii sanado ka hor ay kusoo qaaday dalka Somaliya’iyadoona kumanaan askar iyo saraakiil ah dowlada Burundi looga dilay dalka Somaliya sida dagaaladii taariikhda galay ee lagu laayay Burundiga ee kala ahaa Macrikadii Dayniile iyo dagaalkii Leego.
Dowlada Siralyoon oo ka mid aheed dowladaha ay ciidamadooda duulaanka kusoo qaadeen dalka Somaliya ayaa gabi ahaan ciidamadeeda Labo sano ka hor kala carartay dalka Somaliya.
Calamada.com