War ka soo baxay Dowlada Denmark ayaa lagu sheegay in xirashada Niqaabka —-Ama Indha-shareerka ay xirtaan Haweenka Muslimaadka Ah ee ku dhaqan Dalkaasi ay Qatar ku tahay Dalka Dermaak ,waxa ayna go-aan-satay Dowlada dalkaasi in ay Mamnuuci doonto Arintaasi ,xili dhawaan la soo saaray Xeer ku aadan Arinkaasi ,kaasi oo la filayo in ay u-codeyaan Baarlamaanka Dalkasi Denmark.
Waxa uu Sheegay Gudoomiyaha Isbaheysiga Muxaafidka ee Dalka Denmark ,in xizbigiisa oo ka-mid Ah 3 Xizbi ee ku midoobay Talada Dalkaasi , in ay taageerayan Xeerkaasi ka mamnuucaya dalkaasi in goobha dadka isku yimaadan ay Haweenka Muslimaatka ku xirtaan Niqaabka .
Dhan-kale ,sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Dalka Denmark , Xizbiga uu Hogaamiyo R/Wasaaraha Dalkaasi ,ayaa ku dhawaaqay xili hore in ay taageerayaan , Xeerka lagu mamnuucayo Niqaabka .
Axzaabta ku midoobaya talada Dalkaasi Denmark ayaa Sanadhii La soo dhaafay ku dadaalayay in ay Baarlamaaka Dalkaasi Marsiiyaan Xeerkaan , Xeerkaan ayaa hadii u hirgalo waxaa u-diidayaan in haweenka Muslimaadka ee ku dhaqan Dalkaasi ay xirtaan Niqaabka ,gaar xiliyada ay ku sugan yihiin Goobaha Waxbarasho Iyo Meelaha Caamka Ah .
Go-aankaan ka soo baxay Dowlada Denmark ayaa Imaanay Xili Todobaadkii La soo dhaafay Dowlada Austria ay bilooday dhaqan-galinta go-aan lagu diidayo In Haweenka Muslimaadka ee ku dhaqan Dalkaasi ay xitaan niqaabka ,Iyadoona Dowlada Dhowr oo ku yaala Yurub ay horay u-dhaqan galiyeen g-aankaan sida dowladaha Bilyam ,Farance,Holland iyo Switzerland iyo Belgium.