Maamulka daba dhilifka Cabdi Ileey ee dowlada Kufriga Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka ay gumeysato ee Soomaaliya ay xooga kaga heysata ayaa xabsiga ka sii daayay Maxaabiis aad u fara badan.
Maxaabiista laga sii daayay xabsiga magaalada Jigjiga ayaa gaaraya (1500) Kun iyo Shan Boqol Maxaabiis Soomaali ah kuwaasi oo badankooda ay xirnaayeen muddo aad u dheer.
Tiradan maxaabiista laga sii daayay Xabsiga magaalada Jigjiga ayaa muujineysa gumeysiga iyo xaalada adag ee ay ku suganyihiin shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dhulka Itoobiya gumeysato,waxeyna sii deynta maxaabiistaan kusoo aadeysaa xilli ay sii burbureyso dowlada Xabashida Itoobiya.
Murtad Cabdi Ileey oo dowlada Xabashida Itoobiya madaxweyne uga dhigtay maamulka ay ka dhisatay dhulkaasi ayaa ah daba dhilif caan ku ah xasuuqidda iyo dhibaateynta dadka shacabka ee ku dhaqan dhulkaasi,waxeyna maleeshiyaatkiisu har iyo habeen kufsi,dil,dhac iyo xrig joogta kula dhaqaaqaan dadkaasi masaakiinta ah.
Calamada.com