Dowladda shuuciyadda Waqooyiga Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in ay tijaabisay Gantaal Casri ah oo ah nuuca isaga kala goosha qaaradaha.
Gantaalka oo ballistic ah ayaa dul maray hawada wadanka Japan kadibna wuxuu ku dhacay badda waqooyi ee wadanka Japan sida ay sheegeen mas’uuliyiin ku sugan magaalada Tokiyo caasimada Japan.
Telefeshinka rasmiga ah ee dowladda waqooyi Kuuriya ayaa baahiyay muuqaal kooban oo muujinaya tijaabadii ugu horreysay ee gantaalka saacado yar kadib markii ay dhacday tijaabadaasi guuleysatay.
R/wasaaraha Japan Ninka lagu magacaabo Shinzo Abe ayaa si kulul uga hadlay gantaalka cusub ee xeebaha wadankiisa lagu tijaaniyay, Japan waxay sheegtay in tani ay halis gelinayso muwaadiniinta ku dhaqan jaziiradaha waqooyiga.
Kulan degdeg ah oo ay yeesheen golaha wasiirrada Japan ayay ku muujiyeen walaaca ay ka qabaan gantaalada kusoo dhacay badda wadankaas, Raadiyaha iyo Telefeshinka Japan ayaa baahiyay in qalabka digniinta bixiya uu soo gudbiyay in saaruukh kusoo wajahanyahay hawada wadanka balse difaaca cirka Japan kuma guuleysan in gantaalka uu hawada ku burburiyo.
Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa lafilayaa in shir degdeg ah ka yeeshaan horumarka dhanka hubka ah ee ay ku tallaabsatay waqooyiga Kuuriya oo murun uu kala dhaxeeyo dowladaha reergalbeedka iyo xulufada Mareykanka ee gacanka Kuuriya.
Wasaaradda Difaaca dowladda Mareykanka oo iyana ka jawaabtay gantaalka ay Kuuriyada waqooyi u ridday dhanka Japan ayaa sheegtay in uusan wax halis ah ku aheyn amniga Mandiqadda islamarkaana ay waddo baaritaanno ku aaddan waxa dhacay.
Donald Trump Hoggamiyaha Cunsuriga Mareykanka ayaa horraantii bishaan sheegay in jawaab kulul ay ka bixin doonaan haddii waqooyiga Kuuriya ay duqeyso Jaziiradda Gawaam ee dalka Mareykanka wuxuuna Trump ka digay in uu dhici doono dagaal hubka Niyugleerka laysku adeegsado.