War rasmi ah oo kasoo baxay wazaarada Arimaha dibada dowlada Nasaarada Mareykanka ayeey Muwaadiniinteeda uga digtay iney u safraan dalka Kenya.
Qoraalka ayaa lagu xusay in cabsi xoogan dowlada Nasaarada Mareykanka ka qabto in Shabaabul Mujaahidiin weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Kenya waxyeelana ay kasoo gaarta dadka American-ka ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya.
Wazaarada Arimaha dibada Mareykanka ayaa dadkeeda uga digtay in tagaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya sida Nayroobi iyo Mombasa’waxeyna sidoo kale uga digeen hoteelada iyo goobaha loo dalxiis tago ee dalka Kenya.
Qoraalka Mareykanka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu muujiyay iney cabsi ka qabaan in muwaadiniintooda lagu qafaashay gudaha dalka Kenya.
Mareykanka ayaa xusay in sanadkii dhamaaday weeraro ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha dalka Kenya lagu dilay 122 Nasaaro Kenyaati ah.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii sidoo kale dowlada Nasaarada Mareykanka dadkooda uga digtay iney u safraan dalka Somaliya.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.