Dowladda Burundi oo ka mid ah isbahaysiga saliibiga ah ee ATMIS ee duullaanka ka dhanka ah shareecada islaamka kusoo qaaday wilaayaadka islaamiga ah ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday tirada ciidamadeeda ay Soomaaliya kala baxeen Bishan.
Wazaaradda gaashandhigga ee xukuumadda Bujumbuura ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ilaa 734 askari o ka mid ahaa ciidamada duullaanka saliibiga ah ku joogay Soomaaliya, ay ka saareen saldhigyadooda millatari, kuwaas oo ay sheegtay in la saaray intii udhaxaysay 23/27-kii bishan.
Xukuumadda fadhigeedu yahay Bujanbuura ayaa dhanka kale sheegtay in ciidamadaas boqollaalka askari ah ay dib ugu soo laabteen dalkooda, goobaha ugu badan ee laga daabulay ciidankan ayaana Sh/dhexe, oo ah qidaacada ay ATMIS uga aadanaayeen ciidamada kuffaarta Burundi.