Maamulka Lo’ caabudka dalka Hindiya ayaa ku kacay tallaabo ka dhan ah dadka muslimiinta ee degan wadankaas, kuwaas oo lagu hayo dhibaatooyin kala duwan.
Hay’adaha Jinsiyadaha iyo passporada dowladda Hindiya ayaa sheegtay in malaayiin ruux oo u badan dad muslimiin ah aaney ahayn dad u dhashey wadanka Hindiya.
Malaayiinta ruux ee sharciga dhalashada dalka Hindiya laga qaaday waxay ku dhaqanyihiin gobolka Asaam ee koonfur bari wadanka Hindiya.
Sarkaal u hadlay waaxda Jinsiyadaha dowladda Hindiya ayaa yiri “ waa maalin taariikhi ah oo usoo hooyatay Asaam iyo guud ahaan wadanka Hindiya, waxaan xaqiijinay tallaabo muhiim ah oo ah inaan baahinay diiwaanka muwaadiniinteena”.
Arintan ayaa horudhac u ah qorshe lagu doonayo In dalka Hindiya looga barakiciyo muslimiinta, iyadoo marmarsiyo looga dhiganayo ineysan ahayn muwaadiniin heysta dhalshada dalka Hindiya.