Taliska Ciidanka Military-ga Dowlada Uganda ayaa sheegay in tiro dhimista lagu sameeynayo Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee jooga Soomaaliya ay halis ku tahay Amniga Dalka, Iyagoona tilmaamay in go’aankaas ay Majaxaabin doonto wax uu ku sheegay Guulihii Dagaal ee la xaqiijiyey dhowrkii Sano ee la soo dhaafay haddii aanan la qaadin talaabooyin badiil ah.
Afhayeenka Ciidanka Military-ga Uganda, Gaalka lagu magacaabo Richard Karemire ayaa wareysi uu siiyey Wakaaladaha wararka ayuu ku sheegay in tiro dhimista lagu sameynayo Cadadka Ciidamada AMISOM ay lama huraan tahay in ay xigto Awood Sal adag oo ka hortagi karta weerarada halista, Wuxuuna tibaaxay inay lagama maarnaan tahay in la helo Diyaarado Helicopters ah oo sameyn kara gurmadyada degdega ah.
Ciidamo dhimista waa inay had iyo jeerba lagu dhisaa xaalada ka jirta dhulka, xaalada ka jirta wadanka weli waxay u baahan tahay ciidamo xoogan oo AMISOM ah” ayuu yiri gaal Richard Karemera.
Dowladda Uganda ayaa qeyb ka ah ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee jooga Soomaaliya, waxaana ciidankeeda lagu tilmaamaa kuwii ugu horeeyey ee yimaada Soomaaliya iyo kuwa ugu badan tiro ahaan marka la eego Dolwadaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Golaha Amaanka ee Gaalada Qm ayaa dhawaan meel mariyey qaraar sheegaya in Sanad waliba Ciidamada Kuffaarta Afrikaanta laga dhimo Kun Askari, talaabadaas oo gogol xaar u ah ka bixitaanka ciidamada gaalada Afrikaanta ee Soomaaliya, laakiin qaraarkaas waxaa ka soo horjeestay dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo mid waliba ay diiday inay u hogaansanto qaraarkaasi.
Dowladahan ayaa haddii ay u hogaansamaan qaraarkaas waxaa is dhimaya dhaqaalaha lagu siiyo ciidankooda jooga Soomaaliya, sidaas darteed dowlad waliba wey ku gacan seyrtay inay dhinto ciidankooda jooga Soomaaliya oo ay weyso qeyb ka mid ah dhaqaalihii ay ka heli jirtay gaalada caalamka.