Wararka ka imaanaya wilaayada Baay ee dhacda dhanka koonfur galbeed ee dalka soomaaliya waxey sheegayaan in duqeyn culus ay ka dhacday degmada Bardaale ee wilaayadaas.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey maanta 10 madfac ku garaaceen xerada askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Bardaale, Iyadoo madaafiicda ay ku dhaceen gudaha xeradaas.
Inta la xaqiijiyay duqeyntaas waxaa ku baqtiyay 3 askari oo Itoobiyaan ah labo kale oo isla Itoobiyaanka ahna wey ku dhaawacmeen.
Sidoo kale waxaa duqeyntaas lagu gubay 2 gaari oo uuraal ah iyo 3 teendho oo xabashida uga dhisneed gudaha xeradaas.
Duqeyntaan waxey kusoo aadeysaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen saldhigyada saliibiyiinta kenya ee deegaanada Hoosingow iyo Taabto ee wilaayada Jubbooyinka.
Calamada.com