Weerar loo adeegsaday duqeyn ayaa lagu qaaday saldhig ciidan oo askarta Saliibiyiinta Mareykanka ay ka sameysteen deegaan ka tirsan gobalka Lowjar oo ah gobal dhaca Bartamaha dalka Afghanistan.
Guutada Madaafiicda Ciidamada Islaamiga Afghanistan ayaa tiro madaafiic ah ku garaacay saldhigaasi,iyadoona madaafiicda ay ku dhaceen gudaha saldhiga taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo askarta Saliibiyiinta Mareykanka kasoo gaartay duqeyntaasi.
Inta la xaqiijiyay duqeyntaasi waa Baqti iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan shan askari oo Saliibiyiinta Mareykanka ah sidoo kale duqeyntaasi waxaa ku burburay tiro gaadiid dagaal ah oo yaalay saldhiga la duqeeyay.
Weerarka madaafiicda ah ee dhimashada iyo dhaawaca ay ku noqdeen askarta American-ka ah ayaa kusoo aadaya xilli bishii lasoo dhaafay ee Jamaadul Awal gudaha dalka Afghanistan lagu dilay (37) Soddon iyo Todobo saraakiil iyo askar American ah waxaana lagu dhaawacay (26)Lix Iyo Labaatan askari American ah.
Calamada.com