Kadib labo duufaan oo lagu kala magacaabo Hervy iyo Iirma oo ku dhufatay dalka Maraykanka, khasaare culus oo nafeed iyo mid hantiyeedba uu sababay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in duufaan cusub ay ka bilaabatay dalkaas.
Duufaantan oo Markazka qaabilsan arimaha Musiibooyinka ee Maraykanka uu ugu magac daray Khoosiih ayaa ku dhufatay Xeebaha dalka Maraykanka iyadoona ku dhow magaalada Newyork ee caasimadda dalka Maraykanka.
Maalinta Arbacada ayaa la sahdaalinayaa iney gaaro duufaantan cusub magaalada Newyork, oo ah magaalo weyn islamarkaana ay ku yaalaan shirkado ganacsi oo Caalami ah.
Duufaanta Iirma oo weli saameynteeda taagan ayaa lagu soo waramayaa iney Maraykanka gaarsiisay khasaare boqollaal Bilyan oo Doollar ah, waana mid Maraykanka ku adkaan doonta inuu kasoo kabsado.