Duulimaadyada caalamiga ah ee ka baxa iyo kuwa kasoo dega garoonka Ben Gurion oo ah midka ugu wayn ee ay lahayd Yahuudda ayaa la shaaciyay in 80% uu xirmay tan iyo markii uu billowday howlgalka Duufaanta Al-aqsaa.
Shabakadda Secret Flights ee qaabilsan la socodka duulimaadyada ayaa sheegtay in celcelis ahaan 100 duullimaad oo xiriir ah ay maalintii kaliya kasoo degi jireen gegida diyaaradaha ee Ben Gurion tan iyo billowgii howlgalka Duufaanta Al-aqsaa, wixii ka horeeyay ayay sheegtay in cel celis ahaan ay soo degi jireen 500 oo duullimaad halkii maalin oo kaliya.
Shabakaddan ayaa sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in inta badan diyaaradaha hadda kasoo degta ama ka duula garoonkaasi ay noqdeen oo kaliya saddexda kala ah Al-caal, Arkia, iyo Israa’iil, waxay sidoo kale sheegtay in inta badan shirkadii ajaanibta ay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen garoonkaasi, sababo ku aadan howlgallada kooxaha wax iska caabinta oo halis geliyay amniga madaarka.