Wazaaradda difaaca ee dowladda cilmaaniga ee Turkiga, ayaa sheegtay in dhowr xubnood oo ka tirsan ciidanka cirka ee waddankaasi ay ku dhinteen diyaarad tababar millatari ah oo ku burburtay gobolka Caesarean ee dhaca bartamaha Turkiga.
Warbixinta ay soo saartay wazaaradda waxaa lagu sheegay in diyaaraddaasi burburtay ay ahayd nooca tababarka ee loo yaqaan SF-260, taasi oo kasoo kicitantay saldhiga ciidanka hawada ee Kaysariya, waxaana xilligaas diyaaradda saarnaa laba xubnood oo duuliyeyaal ah.
Wazaaraddu ma aysan sheegin wax sabab ah oo keenay shilkaasi diyaaradeed ee ay ku dhinteen duuliyeyaasha Turkida ah ee dhacdadan la kulmay.
Muuqaal kooban oo lagu faafiyay baraha bulshada Turkiga, ayaa lagu arkayay diyaaradda oo ku burburtay dhul beereed, waana mid ka mid ah shilalka ay galaan ciidanka cirka ah ee dowladda Riddada ah ee Turkiga.