Howlgal gaar ah oo rag ka tirsan ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Goofgaduud-buureey ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, ayaa lagu khaarajiyay murtad lagu magacaabi jiray Maxamuud Xuseen Axmed oo ka mid ahaa Ergada maamulka Riddada ee Koonfur-galbeed.
Isla Baydhaba, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen Afaafka hore saldhiga maleeshiyaadka Riddada ee xaafadda Boonkaay, waxaana qaraxaasi qorsheysan ku dhaawacmay ugu yaraan laba askari oo murtadiin ah, kuwaas oo dhaawacooda la xaqiijiyay inay yihiin kuwa garaab ah.
Dhanka kale, waxay ciidanka mujaahidiintu saavadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen xerada maleeshiyada Riddada ay kaga suganyihiin xero koowaad ee degmada Diinsoor, hal askari oo murtad ah ayaana weerarkaasi Allaah fadligiis lagu dilay.