Xogtii ugu dambeysay ee laga helay weerarkii ballaarnaa ee lagu qaaday wasaaradaha Amniga iyo mida aarimaha gudaha ee dowladda Federaalka ayaa xaqiijinaya dhimashada ugu yaraan 34 ruux oo isugu jira Shaqaale, Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ashahaada la dirir ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Ilo wareedyo ay heshay warbaahinta ayaa xaqiijinaya in dadka ugu badan ee ku halaagsamay weerarka ay yihiin saraakiisha iyo agaasimeyaasha wazaaradaha Amniga iyo mida arimaha gudaha kuwaas oo qaarkood aan helnay magacyadooda, iyo xilalka ay hayeen.
Sarkaalka ugu horeeya waxaa lagu magacaabaa Maxamed Axmad (ilkacase) oo ahaa xog-heynta wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Wuxuu ku dhintay weerarka.
Liibaan Cusmaan, wuxuu ahaa Agaasimaha xiriirka gobolada ee wazaaradda Amniga dowladda Federaalka, isaguna waa ku dhintay weerarka
General Siyaad, wuxuu ahaa agaasimaha waaxda waxa loogu yeero “ladagaalanka Argagaxisada” wuxuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarka.
Sarkaalkan waa Camiil u shaqeeya CIA-da Mareykanka oo ka mid ah hay’adaha sirdoonka dowladda Farmaajo, Wuxuu horay ugu dhaawacmay howlgal toogasho ah oo xoogaga Al Shabaab ay ku beegsadeen gaari uu watay.
Cabdullaahi Siyaad oo isaga ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka wuxuu ahaa agaasimaha waaxda siyaasadda iyo sharciga oo hoostagta wazaaradda arimaha gudaha.
Axmad Yare oo ahaa xogheynta waziirka amniga ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, halka sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray agaasimihii maamuka maaliyadda ee wasaaradda arimaha gudaha oo magaciisa lagu soo koobay Cumar.
Saddex Sarkaal oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ayaa sidoo kale ka mid ahaa xubnaha ku dhintay howlgalka sida ay ilo wareedyadu xaqiijiyeen.
Xarakada Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda howlgalkan ayaa tibaaxday in weerarka uu xambaarsanaa farriin ah in Dowladda Federaalka aysan si naba uga badbaadeynin camaliyaatka ‘Mujaahidiinta’.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Andalus Ka Diyaarisay Weerarka.