Barta barnaamijka Faafreebka wararka uu ku leeyahay Telegramka ayaa laga sii daayay wargelin ku socota dadka ku sugan dibadda iyo magaalooyinka cadowgu heysto, kuwaas oo lagu wargeliyay in barta Faafreeb ee Internetka uu daahfuray APPLICATION ay kala socon doonaan wararka, warbixinada iyo barnaamijyada ka baxa idaacadda Islaamiga Andalus.
App-kan wuxuu qof weliba kala soo degi karaa barta uu Faafreebka ku leeyahay aaladda Telegram, haddii uu qofku kusoo degsado Mobile-kiisana uu ka heli doono dhammaan akhbaarta iyo dhacdooyinka lagu baahiyo bartaasi.
Sidoo kale waxay bartu daahfurtay website cusub oo Faafreeb.info la yiraahdo, kaas oo isagana si rasmi ah ugu soo biiray mareegaha islaamiga ah ee tebin doona dhacdooyinka jihaadiga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee dalka iyo dunida. Maadama baraha bulshadu yihiin kuwo ku jira gacanta cadowga oo fariimaha Mujaahidiinta aad loogu beegsado, waxay arintan dhageystayaasheenu ka saacideysaa in mararka qaar haddii ay waayaan baraha aan ku leenahay telegramka iyo manasaatka kale ay xogaheena ka heli doonaan mowqica iyo app ka uu hadda hirgelinay Faafreeb Pro.
Waana qeyb ka mid ah dadaalo lagu hormarinayo Platform-yada lagu baahiyo dacwada Islaamiga ee jihaadiga ah, iyadoo la adeegsanayo hab kasta oo suuragal ah oo dadka Muslimiinta lagu gaarsiin karo fariimaha Mujaahidiinta.