Wararka imaanaya deegaanka Dhamase oo taabacsan gobolka gumeysiga ku hoosjira ee NFD ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta ay weerar qorsheysan oo abaabulan ku qaadeen ciidamo ka tirsan Military-ga Kenya oo deegaanadaas ka waday nabaad guurin iyo xaalufin ka dhan ah dhulka Muslimiinta iyagoo jaraya geedaha iyo cowska, kuna andacoonaya in ay waddooyin furanayaan, sidoo kalena baneynayaan dhul ay sheegeen in uu gabaad u yahay Mujaahidiinta.
Iyagoo howshaas ku gudajira ayaa barqanimadii hore ee saaka waxaa Mujaahidiinta u suuragashay in ay weerar xoogan ku qaadaan ciidamada saliibiyiinta ah ee nabaad guurka ka waday halkaas.
Ciidamada Military-ga Kenya ayaa goobta isaga kala firxaday ka dib dagaal xoogan oo halkaas ku dhexmaray iyaga iyo Mujaahidiinta, Waxaana halkaas lagu dilay Taliyihii ciidanka iyo dhowr askari oo kale oo Kenyaati ah.
Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyey in weerarka lagu gubay ugu yaraan shan gaari oo saddex ka mid ah ay yihiin Cagaf-Cagaf ay ciidamadu u isticmaalayeen xaalufinta deegaanka, Gaari Beebe ah iyo mid kale oo Xamuul ah ayaa sidoo kale ka mid ahaa gaadiidka lagu burburiyey weerarka.
Saraakiishu waxay sidoo kale noo sheegeen in Mujaahidiintu ay soo ganiimeysteen gaari kale oo uu cadowga kaga cararay goobta.
Ciidamadii ka bad-baaday weerarka ayaa iyagana ka kala firxaday goobta, Waxaana Mujaahidiintu u suuragashay in si buuxda ula wareegaan taliskii cadowga, soona ganiimeystaan agabkii iyo zaadkii uu ka cararay cadowga.
Weerarkan wuxuu ku biirayaa silsilado weeraro ah oo Mujaahidiinta ka howlgala gobolka NFD ku beegsanayaan ciidamada military-ga iyo kuwa Police-ka Kenya, balse wuxuu noqonayaa midkii ugu qasaaraha badnaa ee waayadan deegaanadaas lagula beegsado ciidamada Kenya tan iyo markii uu dhacay weerarkii Lafey ee horaantii bishan lagu laayey ciidamada Police-ka Kenya, laguna bururiyey gaadiid dhowr ah.
Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa horay wacad ugu martay in ay sii wadi doonto howlgalada iyo weerarada ay ka fulineyso dhulalka Muslimiinta ee ku hoosjira gumeysiga dowlada saliibiyadda ah ee Kenya sida NFD iyo gobolada Xeebta.
Xigasho: idaacadda Andalus
waa alle mahadiis in mujhaahidiintu Harsi iyo hoyaad udiidaan cadawga alle warankadu ruuxow mudin weedh lamarin waaye