Xog faahfaahsan ayaa kasoo baxaya qarax culus oo ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbooyinka, kaasoo lagu beegsaday gaadiid ciidan oo ay wateen maleeshiyaad ka tirsan Ridada, gaar ahaan kuwa Bangaraafta, kuwaasi oo marayay Wayaanta.
Inta la hubiyay waxaa howlgalkaasi qaraxa ah ee barakaysan ku dhintay shan xubnood oo murtadiin ah, halka uu ku gubtay gaari Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyaadkaasi, kaasi oo wali burburkiisu yaallo halkii lagu qarxiyay, halkaas oo ay kaga carareen maleeshiyada Riddada.
Duleedka magaalada Kismaayo, ayaa saacadihii lasoo dhaafay marti geliyay dagaallo foolka fool ah oo si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka Riddada iyo silsilado qaraxyo ah oo askar badan looga laayay ciidanka Danab, sidoo kalena looga gubay gaadiid ciidan oo ay wateen maleeshiyaadkaasi.