Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar hubeysan oo ciidamo ka tirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigga ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ka deganyihiin deegaanka Xagar-buul ee dhaca duleedka magaalada Gaarissa ee dhulka NFD ee ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato.
Ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiisha ciidanka shabaabul Mujaahidiin waxay sheegayaan, in dagaal kooban ka dib xerada iyo guud ahaan deegaanka ay isaga carareen ciidamada kuffaarta Kenya, taas oo keentay inay Mujaahidiintu si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta xerada iyo guud ahaan deegaanka Xagar-buul.
Inta la ogyahay gaari Loori ah oo ah nooca kuwa ciidanka qaada ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiintu Allaah fadligii ay ku gubeen Xerada, waxaa sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ah oo kuffaarta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Dhinaca kale waxay Mujaahidiintu dagaal ku ekeeyeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee Jaamacadda Shabeelle ee deegaanka Kaxda ee duleedka Muqdisho.