Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Tarajante ee dhaca duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Macluumaadkii ugu dambeeyay ee laga helayo wilaayada Hiiraan waxay sheegayaan, in Mujaahidiintu howlgalkaasi Allaah fadligii ku dileen 4 askari oo murtadiin ah halka dhaawacuna yahay 9 kale, waxayna sidoo kale Mujaahidiintu howlgalkan barakaysan kusoo furteen, sahay ciidan, hub iyo saanad millatari oo ay goobta dagaalka kaga carareen maleeshiyaadka Riddada.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Hiiraan ayaa xoojiyay howlgalladooda jihaadiga ah ee ka dhanka ah, iyagoo cagta mariyay saldhigyo, fariisimo iyo xarumo ay murtadiintu kaga suganyihiin deegaannada wilaayada Hiiraan.