Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaad katirsan maamulka Galmudug ku dhaxmareen deegaanno ku dhow magaalada Guriceel.
Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen maleeshiyaad katirsan ‘Galmudug’ oo isku aruursanayay deegaanka Yaalyaale.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay la wareegeen deegaannadii lagu dagaallamay halka maleeshiyaadkii Galmudug ay ufirxadeen dhanka Guriceel.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Meydadka Labo askari oo ka tirsanaa Maleeshiyaatka Mushrikiinta ay ku arkeen tuulada Yaalyaale oo qiyaastii 40Km ujirta Guriceel.
illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamullada Al Shabaab iyo Galmudug ee gobolka Galguduud oo ku saabsan dagaalladii maanta dhacay, Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanka Golangolle.