Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsan dowlada Ridada Farmaajo.
Askarigan lagu dilay waxa uu sigaar ah kaga tirsanaay qeybta Booliska,iyadoona ragga hubeysan askarigan ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyooda.
Ragga hubeysan ayaa horay u qaatay Qori AK 47ah oo uu ku hubeysnaa Askariga ka tirsan Booliiska dowladda, oo sida muuqatay doonayay inuu dhac iyo baad u geysto ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Dilka askarigan waxaa mas,uuliyadiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho ee ay ku naafeynayaan dowlada Farmaajo iyo shisheeyaha soo duulay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.