Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay mas’uul katirsan wasaaradda G/dhigga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe weerar dhabbagal ah u dhigay gaadiid uu la socday Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidanka DF-ka ninka lagu magacaabo Col. Xuseen Yuusuf Tubaaka weyne.
Weerarka oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Basra iyo Degmada Balcad ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawac soo gaaray laba askari oo katirsan ilaalada gaarka ah ee Taliye Tubaaka weyne.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in si dirqi ah uu ku badbaaday taliyaha guutada Koowaad oo markii dambe loola cararay dhanka degmada Balcad.
Halkan Ka Dhageyso Xogta Dagaalka Basra.
Calamada.com