Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen degmada Afgooye oo ka mid ah goobaha shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.
Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay saldhiga iyo Bar Controolka xaafada Buulo Fooliya ee degmada Afgooye dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta saldhiga ay weerarka ku qaadeen.
Dhanka kale agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelada hoose waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku toogteen askari ka tirsan dowlada Ridada kaasi oo kusoo dhex dhuuntay gaari dad shacab ah ay la socdeen waxeyna ciidamada Mujaahidiinta askarigaasi ka qaateen qori uu ku hubeysnaay.
Calamada.com