Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha dowlada federaalka iyo maamulka Hirshabeelle kasoo gaartay dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmadaas.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus habeen hore ku qaadeen saldhigyada iyo difaacyada maleeshiyaatka kooxda Ridada ay ka sameysteen gudaha degmada Mahadaay ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Dagaalkan ayaa sababay khasaara xoogan oo soo gaartay Murtadiinta waxaana weerarka dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar iyo saraakiil ka tirsan Murtadiinta.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Mujaahidiinta waxey dagaalkaas ku dileen sarkaal ka tirsan kooxda Ridada kaasi oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Cigalle waxeyna la dileen Labo askari oo ka mid aheed ilaaladiisa gaarka ah.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta waxey dagaalkaas ku dhaawaceen Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada iyagoona hub soo ganiimeystay.
Calamada.com