Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen deegaan katirsan dhulka NFD, gaar ahaan gobolka Mandheera.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaan lagu magacaabo Sedax Goose oo hoostaga magaalada Mandheera ee NFD.
Askarta booliiska ee dowladda Kenya ayaa ka firxaday goobta, markii ay ka war heleen in deegaanka ay soo kulaalayaan ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa deegaanka waxay kula hadleen dadka shacabka ah, iyagoona ku waaniyay iney ka fogaadaan xarumaha milliteri ee ciidamada Kenyaatiga.
Waxaa sidoo kale jirta weerar burcad sifeyn ah oo ay ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen deegaannada dhaca xuduud beenaatka Kenya iyo Soomaaliya.
Howlgallada waxaa lagu baacsaday askar soomaali ah oo la shaqeeya kuwa Kenya, kuwaas oo dhibaatooyin isuga jira dhac iyo dilal ka geysanayay deegaannada dhaca xuduud beenaatka.