Rag hubeysan waxey dil qorsheysan ka geysteen deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada ku yaala wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho.
Dilkan oo loo geystay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Siinka dheer oo isbaaro weyn ay ku leeyihiin maleeshiyaatka dowladda.
Ragga hubeysan ayaa askariga ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay inuu isla goobta ku baqtiya waxeyna ragga hubeysan horay usii qaateen Qori iyo Booshkiisa oo askariga ay dileen ku hubeysnaay.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli qarax culus lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada oo ku socdaalayay xaafadda Oodweyne ee magaalada Muqdisho,waxa qaraxa uu sababay burburka Gaariga iyo askar fara badan oo dhimasho iyo dhaawac noqday.
Dilka iyo qaraxa waxaa Mas’uuliyaddooda sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Muuse Malaay.
Calamada Online
Mogadishu, Somalia.