Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo ay ku kaceen ciidamada Kuffaarta Afrikaanta, taas oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa xaqiijinaya in uu geeriyooday dhaawaca mid ka mid ah labadii ruux ee ay jiireen gawaarida ciidamada kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha.
Labada ruux ee dhintay ayaa midka koowaad waxay naftu ku daysay isla goobtii ay dhacdadu ka dhacday, waxaana midka kale uu dhaawac soo gaaray uu xalay fiidkii ku geeriyooday cisbitaalka magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa dhigay banaanbayxo ka dhan ah ciidamada Kuffaarta Afrikaanta iyagoo dhagxaan ku weeraray gawaaridooda gaashaan.
Waa qayb kamid ah tacadiyada ay ku kacayaan ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo Maleeshiyaadka murtadiinta kuwaas oo had iyo jeer si bareer ah wadooyinka ugu laaya dadka shacabka ah.