Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn saacadihii lasoo dhaafay guutada madaafiicda Shabaabul Mujaahidiin ay la beegsadeen xerada Xalane ee ku dhex taala gudaha garoonka diyaaradaha magaaladan Muqdisho.
Madaafiicda oo ku dhacay gudaha xerada Xalane ayaa sababay khasaara baqti iyo dhaawac ah oo soo gaartay Kufaarta ku sugan xeradaas.
Inta la xaqiijiyay duqeyntaas waxaa ku baqtiyay Afar gaal sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Saddex kale oo isla Kufaarta ah kuwaasi oo dhaawacyadooda ay aad u liitaan.
Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jeer duqeyn la beegsaday xerada Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee Kufaarta cad iyo kuwa madow ay ka sameysteen magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia