Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbooyinka, halkaas oo lagu jabiyay maleeshiyaatka Riddada Bangarafta, weerarkan ayaana si gaar ah kaga dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Inta la hubiyay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa baangarafta Riddada, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in weerarkaas lagu dhaawacay 2kale oo ka mid ahaa Baangaraafta muratdiinta ee ay soo tabobaratay dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka.
Dhanka kale qarax culus oo ka dhacay degmada Afgooye ayay mujaahidiintu la eegteen maleeshiyaad murtadiin ah, waxaa la xaqiijiyay in qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo murtadiin ah halka lagu dhaawacay 3 kale.