Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa maamulka isku magacaabay ‘Koonfur Galbeed’.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa weerar jidgal ah udhigay maleeshiyaad katirsan maamulka ‘Koonfur Galbeed’ xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaanka Daynuunaay iyo magaalada Baydhabo.
Inta la xaqiijiyay weerarkan dhabba galka ah waxaa lagu dilay hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Konfur Galbeed, Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay Saddex askari oo isla maleeshiyaatkaasi ah.
Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lagu weeraray saldhig ay maleeshiyaatka Booliska Ridada maamulka Koonfur galbeed uga sugnaayeen gudaha magaalada Baydhabo balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Saddex askari oo ah Ridada maamulka Murtad Lafta gareen kuwaasi oo ay dhaawacyadooda culusyihiin.