Waxaa sii kordhaya khasaaraha dowlada Farmaajo kasoo gaartay tiro madaafiic ah oo lagu garaacay xarunta madaxtooyada u ah dowladiisa.
Todobo madfac ayaa lagu garaacay xarunta madaxtooyada kuwaasi oo Shan ka mid ah ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in madaafiicda ku dhacday gudaha madaxtooyada ay sababeen dhimashada hal Murtad iyo dhaawaca saddex kale oo gabi ahaantooda ah xubno ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Dhanka kale qarax ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaawacay agaasimihii hore wazaarada Warfaahinta dowlada Ridada ninka lagu magacaabo Cabdi Rizaaq Bahlaawi.
Calamada.com