Wararka laga helayo degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhig ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen degmadaasi.
Jugta dhawaaqa madaafiicda waxaa si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan iney jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo askarta Itoobiya lagu gaarsiiyay duqeyntaasi.
Gobalka Gedo oo dhaca Konfur Galbeed dalka Somaliya waxaa qeybo ka mid ah gobalkaasi duulaan ku jooga ciidamo ka kala socda dowladaha Kenya iyo Itoobiya.
Calamada.com