Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay iska hor’imaad xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka ku dhexmaray gudaha degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.
Iska hor’imaadkan waxa uu maleeshiyaatka dowlada federaalka ku dhexmaray Suuqa lagu iibiyo xoolaha nool ee degmada Jowhar kuwaasi oo iska hor’imaadkoodu yimid kadib markii ay kuwada murmeen qeybsiga lacago baad ah oo kaga soo xarootay suuqa xoolaha lagu iibiyo ee degmada Jowhar.
Inta la xaqiijiyay labo askari ayeey iska dileen ku dhawaad shan kale weey iska dhaawaceen oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin’iyadoona wararka laga helayo Jowhar ay sheegayaan in wali xaalad colaadeed oo u dhaxeysa maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka jirto degmadaasi.
Maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa caan ku ah in xilliyada ay qeybsanayaan lacagaha baada ah ee dadka iyo gaadiidka ay ka qaataan dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan saraakiil iyo askar.
Calamada.com