Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay degmada Wallanweyn ee wilaayada shabeelada hoose.
Qaraxa waxaa lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka ridada ugu magacaaban degmada Wallanweyn, Waxa uu qaraxa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.
Cabdullaahi Gaduudow oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada ee maamulka ridada ugu magacaaban degmada wallanweyn ayaa qaraxa dhaawac culus uu kasoo gaaray, Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhintay 2 askari oo ahaa ilaalada gaarka ah ee sarkaalka dhaawacmay.
Qaraxan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka ridada ee degmada Xudur ee wilaayada Bakool.
Calamada.com