Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar shalay ciidamo katirsan AMISOM lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Qarax Miino ayaa lala helay gaari Kaare Xambaare ah oo qeyb ka ahaa kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ku socdaalayay meel aan sidaas uga fogeyn degmada Afgooye.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in ugu yaraan Saddex askari oo Saliibiyiinta Uganda iyo Labo askari oo ka tirsan Dowlada Ridada ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa, gaariga qaraxa lagu beegsaday ayaa gabi ahaantiisba burburay.
Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay weeraro askar badan lagu dilay ayay xoogaga Al Shabaab Sh/hoose kula beegsadeen kolonyooyin katirsan ciidamada Midowga Afrika ee duullaanka ku jooga degmooyin iyo deegaank katirsan gobolka.