Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoos.
Qaraxa waxaa lala beegsaday maleeshiyaatka dowladda Ridada ee ku sugan deegaanka Baar-sanguuni waxa uu qaraxan ka dhacay afafka hore ee deegaankaasi.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa lagu dilay Labo askari waxaana lagu dhaawacay Labo iyo Toban askari,iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya weeraro lagu dilay askar fara badan oo isugu jirta Murtadiin,Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Kenya oo dhowr jeer ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo.
Calamada.com