Wararka ka imaanaya gobolkan xeebta badweynta Hindiya ku teedsan ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay lala beegsaday ciidamada ammaanka dowladda Kenya xilli ay ku socdaalayeen duleedka Ijaara iyo Sangaa;ilow.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ku basbeelay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen ciidamada booliska Kenya.
War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax kale oo ka dhacay isla gobolka Lamu uu ku dhintay nin Injineer ah oo u dhashay dalka Shiinaha, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowlada Kenya oo ku saabsan weeraradan ka dhacay gobolka Lamu.
Saacadihii lasoo dhaafay ayey aheed markii kolanyo galbinayay xildhibaano ka tirsan Saliibiyiinta Kenya qarax lagula beegsaday duleedka magaalada Gaaris, Waxaa qaraxaas ku gubtay hal gaari oo Kooyal ah askartii lasocotayne wey wada halaagsameen, Iyadoo sidoo kale uu rogmaday gaari kale oo Kooyal ahaa.