Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Somalia.
Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday Kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Warmaxan iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo ka tirsan gobalkaasi.
Miinada ayaa haleeshay gaari uu saarnaay Kunteenar oo sahay ay ku wateen ciidamada Shisheeye,iyadoona Waxyeelo xoogan la gaarsiiyay gaariga ay miinada haleeshay sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii shisheeyaha ee la socotay gaariga ay miinada haleeshay.
Calamada.com