Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahdiintu ka fuliyeen deegaan ka tirsan wilaayada Gedo, kaas oo lala beegsaday masuuliyiin ka tirsan dowladda Ridada.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan jugtiisana laga maqlay meelo fog fog ayaa haleelay kolonyo uu hoggaaminaayay wasiirka waxbarashada kooxda Ridada Somalia murtadka lagu magacaabo Cabdullaahi Goodax Barre, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa degmooyinka Balad/Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.
Xildhibaanno iyo masuuliyin ka tirsan kooxda Farmaajo ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana si dirqi ah kaga badbaaday wasiirka waxbarashada dowladda Ridada Federaalka.
Magacyada masuuliyiinta qaraxa ku dhaawacantay oo magacyadooda la helay waxaa ka mid ahaa xildhibaanno ka tirsan golaha dawaaqiidda Ridada iyo ma’suuliyiin kale oo ka tirsan nabad sugidda maamulka isku magacaabay Jubbaland.
1- Maxamed Cali Magan oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka dawaaqiidda Ridada.
2- C/Casiis Dhago-qool oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha dawaaqiidda kooxda Farmaajo.
3- C/qaadir Siisi oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ridada.
4- Cabdi Kediye oo ah taliyaha nabad sugidda maamulka Ridada Jubbaland ugu magacaaban degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Calamada.com