Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo culus oo saacadihii lasoo dhaafay duleedka magaalada Muqdisho lagula beegsaday kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Qaraxyadan oo ah labo qarax oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa kala haleelay labo gaari oo Cabdi bile ah’iyadoona dhawaaqa qaraxyadan laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah duleedka Magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadan ayaa xaqiijinaya in labada gaari ay burbureen’sidoo kale qaraxyadan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii la socotay labadaasi gaari.
Mas’uuliyadda qaraxyadan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona muddooyinkii dambe Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada dhanka ah dowlada Farmaajo iyo Kufaarta ee ay ka fulinayaan gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.