Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo maanta siyaaba kala duwan uga dhacay deegaanno katirsan gobollada Jubbooyinka dhaca Cirifka Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Qaraxa ugu horreeya ayaa maanta duhurkii ciidamo katirsan melleteriga Kenya lagula beegsaday wadada xiriirisa deegaannada Dhoobleey iyo Taabto oo kawada tirsan Jubbada Hoose, qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay waxaa lala helay gaari xamuul ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan Afar askari Saliibiyiinta Kenya ah halka sedax kale ay ku dhaawacmeen waxaana gabi ahaan burburay gaarigii xamuulka ahaa ee qaraxu haleelay, ciidamada kenya ee qaraxu haleelay ayaa degay halkii qaraxu ku qabsaday.
Dhinaca kale qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Baarka ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka maamulka gaala raaca isku magacaabay Jubbaland.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 3 askari halka 5 kale ku dhaawacmeen, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii maanta Jubbooyinka lagula beegsaday ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe.