Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhaxmaray ciidamada gumeysiga Kenya iyo xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Dagaalka oo ahaa mid aad uculus ayaa bilaawday maanta barqadii kadib markii weerar dhabbagal ah loo dhigay kolonyo katirsan ciidamada Melleteriga Kenyan oo kasoo gudbay deegaanka Girileey kunasii jeeday tuulada Faxfaxdhuun oo qiyaastii 75 KM ujirta magaalada Baardheere.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay gaari Gaashaaman ku gubeen dagaalka halka ay gacanta ku dhigeen saanado melleteri, Meydadka ciidamo Kenyaan ah ayaa lagu arkay halka loo yaqaan Galgasha.
War kasoo baxay Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in uu jiro weerar dhabbagal ah oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha Kenya.
Dhinaca kale warar soo baxay waxay sheegayaan in guddoomiyaha deegaanka Faxfaxdhuun ugu magacaaban dowladda Ridada uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dagaalka.