Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose.
Maleeshiyaatka dowlada ee Kamiinka loogu dhigay duleedka deegaanka Ceelwareegow ayaa kasoo baxay deegaanka Bilaal Ex Buufow ee duleedka magaalada Marka.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay iney arkeen tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaasi dhabba galka ah.
Kamiinkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax ka dhacay duleedka degmada Baraawe lagu gubay gaari Xamuul ah oo ay leeyihiin ciidamada Kufaarta AMISOM.
Calamada.com