Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Qorof-xarar oo ka tirsan gobalka Wajeer ee Kenya gumeysato.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in weerarkaas lagu dilay Todobo askari oo ah Saliibiyiinta Kenya, Waxey sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta weerarkaas kusoo ganiimeysteen hub kala duwan.
Ciidamada Mujaahidiinta ee weerarka ku qaaday degmada Qorof-xarar waxey gabi ahaan burburiyeen Labo saldhig oo ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen degmada iyo sidoo kale xarunta shirkada Safaricom ee degmadaas.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah dowladda Saliibiyadda Kenya oo ka mid ah dowladaha ciidamadeeda duulaanka ay ku joogaan dalka Somalia.
Calamada.com