Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar ciidamada xarakada mujaahidiinta alshabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka wajeer oo ka tirsan dhulka NFD ee kenya xooga ku heysata.
Weerarkan oo ahaa dagaal toos ah waxey ciidamada shabaabul mujaahidiin ku qaadeen saldhiga ciidamada keydka ee saliibiyiinta kenya ay kaga sugnaayeen tuulada afcad oo u dhaxeysa deegaanada tarbaj iyo warguduud ee gobalka wajeer.
Ciidamada mujaahidiintu waxey dagaalkan tooska ah ku dileen afar askari waxeyna soo ganiimeysteen saddex qori oo ah nooca AK47.
Dhanka kale duleedka degmada Raaga ceelle ee wilaayada shabeelada dhexe dagaal ka dhacay waxey ciidamada mujaahidiintu ku dhaawaceen saddex askari oo ah maleeshiyaatka ridada.
Calamada.com